Frank Lampard oo ka hadlay shaqo ka ceyrintii Unai Emery ee kooxda Arsenal

0
246

Baladweyne(Radio Beerlula)- Macalinka kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa muujiyay sida uu kaga xun yahay in Unai Emery laga ceyriyay shaqada tababarka ee naadiga Arsenal

Arsenal ayaa si rasmi ah shaqada uga ceyrisay macallinka reer Spain ee Unai Emery maanta oo jimco ah, sababa la xiriira natiijooyinka xun ay kooxda la kulantay xilliyadii lasoo dhaafay.

Frank Lampard ayaa shir jaraa’id uu maanta ka soo muuqday wuxuu kaga fal celiyay shaqo ka ceyrintii maanta lagu sameeyay macalinka reer Spain ee Unai Emery.

“Ma dhihi karo suurtogal ma noqon karto, sababtoo ah ma jiraan waxaan suurtogal noqon Karin kubadda cagta, qof walbana si fiican ayeey kaga war qabtaa arrintaas”.

“Waxaan caadeysanay waxyaabaha qaar ee lama filaanka ah, gaar ahaan isbuucyadii lasoo dhaafay, laakiin taasi badelkeeda waa inaan shaqeynaa isla markaana aan horteena fiirinaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here