Guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doono shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub

0
231

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kulammo dhowr ah oo ka tirsan shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub ayaa maanta iyo caawa la ciyaari doonaa, iyadoo ay ku jiraan ciyaaro xiiso leh.

Waxaan halkaan idin kugu soo gudbinaynaa kulammada laga ciyaari doono maanta iyo caawa Shanta horyaal ee ugu weyn qaaradda Yurub ee kala ah; English Premier League, Italian Serie A, La Ligaha Spain, Bundesliga Jarmalka iyo Ligue 1 Faransiiska.

Aan ku horreyno horyaalka Premier League Ingiriiska, waxaa jira kulamo dhowr ah oo laga ciyaarayo maanta iyo caawa, waxaana ciyaaraha ugu waa weyn ee la sugi doono ka mid ah kulanka ay Manchester City booqanayso Newcastle United, midka ay Chelsea soo dhoweynayso West Ham United & kan ay Liverpool garoonkeeda Anfield ku qaabilayso Brighton & Hove Albion.

Dhinaca kale horyaalka La Ligaha Spain haddii aynu eegno waxaa maanta iyo caawa laga ciyaarayaa kulamo dhowr ah, waxaana ka mid ah kulanka ay Real Madrid booqanayso Deportivo Alaves.

Horyaalka Serie A haddii aynu eegnana kulamo waa weyn oo la ciyaari doono ma jiraan, laakiin kulammada la dheeli doono horyaalka Talyaaniga waxaa laga xusi karaan kulanka ay caawa kooxda Fiorentina soo dhoweyn doonto Lecce.

Dhinaca kale waxaa la dheeli doona kulamo ka tirsan horyaalka Bundesliga waxaa kulammadaas ka mid ah kulanka ay Borussia Dortmund galabta booqanayso Hertha BSC iyo midka ay caawa kooxda FC Bayern München soo dhoweynayso Bayer Leverkusen.

Horyaalka Ligue 1 ee Faransiiska haddii aynu eegnana kulamo dhowr ah ayaa la ciyaarayaa waxaana laga xusi karaa kulanka dhexmari doona kooxaha Strasbourg iyo Lyon caawa 7:30 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

ENGLAND – PREMIER LEAGUE

3:30 Galabnimo Newcastle United vs Manchester City

6:00 Maqribnimo Burnley vs Crystal Palace

6:00 Maqribnimo Chelsea vs West Ham United

6:00 Maqribnimo Liverpool vs Brighton & Hove Albion

6:00 Maqribnimo Tottenham Hotspur vs AFC Bournemouth

8:30 Habeennimo Southampton vs Watford

SPAIN – LALIGA SANTANDER

3:00 Galabnimo Deportivo Alaves vs Real Madrid

6:00 Maqribnimo Real Sociedad vs Eibar

8:30 Habeenimo Mallorca vs Real Betis

11:00 Habeenimo Valencia vs Villarreal

ITALY – SERIE A

5:00 Galabnimo Brescia vs Atalanta

8:00 Habeenimo Genoa vs Torino

10:45 Habeenimo Fiorentina vs Lecce

GERMANY – BUNDESLIGA

5:30 Galabnimo 1. FC Köln vs Augsburg

5:30 Galabnimo Hertha BSC vs Borussia Dortmund

5:30 Galabnimo SC Paderborn 07 vs RasenBallsport Leipzig

5:30 Galabnimo Hoffenheim vs Fortuna Düsseldorf

8:30 Habeenimo FC Bayern München vs Bayer Leverkusen

FRANCE – LIGUE 1

7:30 Habeenimo Strasbourg vs Lyon

10:00 Habeenimo Lille vs Dijon

10:00 Habeenimo Montpellier vs Amiens

10:00 Habeenimo Nice vs Angers

10:00 Habeenimo Nimes vs Metz

10:00 Habeenimo Reims vs Bordeaux

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here