Mareykanka oo dib u fasaxay iibinta qaar kamid ah wax soosaarka shirkadda Huawei

0
186

Baladweyne(Radio Beerlula)- Maamulka Madaxweyne Trump ayaa toddobaadkii hore ogolaaday qaar kamid ah shirkadaha iibiya wax soo saarka Huawe ee Shiinaha laga leeyahay, kaddib marki uu horay ugu daray liiska madow ayadoo laga eegayo dhan amniga qaranka lix bilood ka hor.

Waaxda Ganaciga ayaa sheegtay in shirkadaha qaar loo ogolaaday in ay iibin karaan badeecadaha Huawei, iyadoo shirkadahaasi ay sugeysay ina ay iibiyaan balaayiin dollar badeeco ah.

Weli ma cadda agabka ay leedahay Huawei oo ay si rasmi ah u iibin karaan, Shirkadda Huawei oo ah shirkadda labaad ee soo saarta taleefanada casriga ah ayaa si walaac leh uga war sugeysay ogolaanshan, maadaama ay Huawei xustay in ay heshiis la gashay Alphabet oo hoostagta Google si ay horumariyaan adeegga mobil-ada, waloow ay diiday Google islamarkaan ay ku gacan seyrtay qorshahaasi.

Mareykanka ayaa Huawei ku heysta dacwad ah in shirkaddani ay ku xadgudubtay fikardo wax soo saar oo ay lahaayeen shirkado kale iyo in ay iska indho tirto cunaqabateennada lagu soo rogay Iran, inkastoo ay Huawei beenisay eedeymahaasi.

Maamulka Trump ayaa kudaray Huawei liiska madow ee shirkadaha laga mamnuucay Mareykanka isagoo cuskanaya walaac xagga amniga Qaranka ah, kaddib markii ay burbureen wadahadallo ku saabsan Huawei.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here