QM oo sheegtay in fatahaadaha Soomaaliya ay waxyeelleyeen dad gaaraya nus malyuun

0
192

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xirrika howlaha Bani-adamnimada(OCHA) ayaa shalay oo jimco aheyd warbixin ka soo saaray saameynta bani’aadanimo ee ka dhashay fatahaadihii dhowaan ku dhuftay inta badan Koonfurta Soomaaliya.

OCHA ayaa sheegtay in 574,000 oo ruux ay ku waxyeelloobeen fatahaadaha, halka 370,000 ay guryahooda ka barakaceen.

Xafiiska Xiriika howlaha Bani-adanimada QM OCHA ayaa intaas raaciyay in dadka ay sameeyeen fataahaduhu ay ahaayeen kuwo marki hore ay heysatay xaalad abaareed, iyadoo sidoo kalana wax soosaarkoodii dhanka beera uu horay hoos ugu dhacay.

Fathaadaha ku dhuftay koonfurta dalka bishi 10-aad ee sanadkan ayaa noqday kuwo xad-dhaaf ah kana batay sidii laga filayey ayaa lagu yiri warbixinta.

Xaaladda dadka ayaa hadda ah mid ka wanaagsan sidii hore maadaamaa ay heleen gurmad ka soo gaaray Hay’adaha caalmaiga iyo dadka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here