Taalibaan iyo Maraykanka oo heshiis kala saxiixday

0
182

Baladweyne(Radio Beerlula)- Maraykanka iyo Taliban ayaa kala saxeexday heshiis looga golleeyahay in jidka loogu xaadho nabadda Afghanistan ka dib in kabadan 18 sano oo dagaallo ah.

Mareykanka iyo xulafadiisa Nato aya isku raacay inay ciidamadooda kala baxaan waddankaasi, 14 bilood gudahood haddii jihaadiyiintu oggolaadaan heshiiska.

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Mike Pompeo iyo hogaamiyaasha Taliban ayaa ka qeyb galay xafladda saxiixa oo ka dhacday magaalada Doha ee dalka Qadar.

Wadahadallada u dhexeeya dowladda Afqanistaan iyo Taliban la filayaaa in xog dheeraad ahi ka soo baxdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here