Arsene Wenger oo siiyay Harry Kane talo ku saabsan mustaqbalkiisa kooxda Tottenham

0
70

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababarihii hore kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa kula taliyay Harry Kane inuusan ka tagin naadiga Tottenham Hotspur.

Kabtanka Spurs ayaa qandaraas kula jira kooxda reer London ilaa June 2024, laakiin waxaa dhawaanahan lala xiriirinayay inuu ka tagayo kooxdiisa isla markaana uu u wareegayo Manchester United.

Shabakada “Goal” ayaa waxay shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Tababarihii hore kooxda Arsenal ee Arsene Wenger, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Tottenham waxay ku jirtaa marxalad ay rajo ku qabi karaan, laga yaabee inaanan qiimeyn xaallada maanta oo keliya.”

“Tottenham ayaa hoggaanka u haysay horyaalka bishii December. Waxa jiray dhawr jeer oo ay hogaanka hayeen markii aan wali joogay Arsenal”.

“Harry Kane waa midka kaliya ee qiimeyn kara xaallada, ciyaaryahan sidan oo kale ah marwalba waxaa codsada kooxaha kale, waana inuu markasta qiimeeyaa xaaladiisa.”

“Ilaa iyo hada wuxuu kabtan dhab ah ka yahay Spurs, waa kabtan weyn oo xulka England ah, waxaan si weyn u ixtiraamayaa diiradsaaridiisa iyo tayadiisa.”

“Waxa aan jeclahay maanta waa inuu asal ahaan u ciyaari karo lambarka 10-aad, sababtoo ah tayada baasaskiisa, xawaaraha aragtidiisa iyo xawaaraha fulinta kubadaha dhaadheer waa mid gaar ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here