Suuriya oo Dhawaan Qabanaysa Doorasho Madaxtinnimo

0
38

Baladweyne (Radio Beerlula)-Baarlamanka Suuriya ayaa shaaciyay in 26-ka bisha soo socota ee May ay dalkaasi ka dhici doonto doorasho madaxweyne.

Madaxweynaha talada haya ee Bashar Al-Asad oo u taagan tartankaas ayaan la filayaa in uusan la kulmin tartan adag oo uu si aqlabiyad ah ugu guulaysan doono doorashadaas.

Codbixintii dhacday 2014 ayay mucaaradka, Maraykanka iyo Midowga Yurub ku tilmaameen mid sharci darro ah waxaana 92% ku guulaystay Bashar Al-Asad.

Dhaqaalo xumi baahsan ayaa ka taagan Suuriya, waxaana aad sare ugu kacay sicirka raashinka, taasoo ay dowladda ku eedaysay cunaqabateynta ay saareen dalalka galbeedka.
Maraykanka iyo dalal kale oo reer galbeed ah ayaa ku eedeeyay xukuumadda Suuriya inay ka caga jiideyso dastuur kumeelgaar ah si ay uga baaqsato doorasho ay korjoogteyso Qaramada Midoobay oo dhacda sanadkan 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here