Iniesta oo ka hadlay fursada ay Barcelona u heysato inay ku guuleysato horyaalka La Liga

0
55

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xiddigii hore kooxda Barcelona ee Andrés Iniesta ayaa ka hadlay fursada ay Blaugrana u heysato inay u dabaaldegto ku guuleysiga laba tartan oo gudaha Spain ah xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa dhawaan ku guuleysatay tartanka Copa del Rey, laakiin waxaa wali dhiman tartanka ugu muhiimsan ee wiilasha tababare Ronald Koeman, kaasoo ah horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Ku guuleysiga horyaalka La Liga ee dalka Spain ayaa waxaa xilli ciyaareedkan si xoogan ugu dagaalamaya kooxaha Atlético Madrid, Real Madrid, Barcelona iyo Seville, waxayna dhammaantood meel fog ka eeganayaan koobka tartankan.

Haddaba Andrés Iniesta oo ka hadlayay tartanka loogu jiro ku guuleysiga horyaalka La Liga, ayaa wuxuu yiri:

“Barcelona waxay awood u leedahay inay ku guulaysato horyaalka, waqtigan xaadirka ah fursadaha oo dhami way siman yihiin, dhammaan waxaa la ciyaarayaa waqti isku mid ah, xaaladana way sii adkaaneysaa.”

“Waxaan ku kalsoonahay awooda Barcelona inay ku guuleysan karto kulammada soo socda, taasi waa macquul, sababtoo ah kulammada waa kuwo tartan ah oo aad u xoogan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here