Liverpool oo garoonkeeda Anfield guul kaga gaartay kooxda Southampton

0
40

Baladweyne (Radio Beerlula)-Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield guul kaga gaartay kooxda Southampton, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League ee dalka England.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Liverpool.

Daqiiqadii 31-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Sadio Mane, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Mohamed Salah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

90 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Thiago Alcantara oo caawin ka helay saaxiibkiis Roberto Firmino ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay kaga adkaatay Liverpool kooxda Southampton oo ku soo booqatay garoonka Anfield, Reds ayaa kaga jirta booska 6-aad jadwalka kala sareynta horyaalka Premier League, waxayna leedahay 57 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here