Juan Cuadrado oo heshiis cusub u saxiixaya Kooxda Juventus

0
40

Baladweyne (Radio Beerlula)-Juan Cuadrado ayaa la soo warinayaa inuu heshiis cusub u saxiixi rabo kooxdiisa kubadda cagta Juventus.

Warsidaha reer Talyaani ee Calcio Mercato ayaa warinaya in Juan Cuadrado uu qarka u saaran yahay inuu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa Juventus.

32-sano jirkaan ayaa heshiiskiisa haatan waxa uu ku eg yahay sanadka 2022-ka, laakiin kooxda reer Talyaani ayaa doonaysa inay xidigan heshiiskiisa ku kordhiso sanad kale oo dheeri ah.

Cuadrado ayaa xilli ciyaareedkan waxa uu kooxda Juventus u ciyaaray 29 kulan oo horyaalka Serie A ah, waxaana loo diiwaan geliyey inuu labo gool dhaliyey, isla markaana uu caawiyey 10 gool oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here