Toni Kroos oo ka hadlay xaaladdiisa caafimaad iyo inuu matali karo xulka qaranka Jarmalka

0
34

Baladweyne (Radio Beerlula)-Laacibka khadka dhexe kaga ciyaara kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Toni Kroos ayaa la xanuunsanaya xanuunka Korona Fayras isagoo haatan ku jira karaantiil.

Balse taas kama aysan hor istaagin in looga yeero xulka qaranka dalka Jarmalka isagoo qayb ka ah safka Macallin Joachim Low uu kaga qayb gali doono tartanka qarammada qaaradda Yurub.

“Waxaan dareemayaa daciifnimo, waa dareen aan fiicneyn oo cusub” ayuu yiri Kroos.

“Haddii ay wax walba u socdaan sida qorsheysan waxaan kusoo biiri karaa qaranka waase laga yaabaa inaan kasoo dib dhaco maalin ama wax la mid ah.

“waxaan hadda dhihi karaa diyaar baan ahay” ayuu hadalkiisa kusi daray 31-jirka khadka dhexe kaga ciyaara Los Blancos.

Si kastaba ha ahaatee, laacibkii hore ee Bayern Munich ayaa seegaya kulanka ugu dambeeya Real Madrid ee ay La Liga la ciyaari doonto kooxda Villarreal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here