Hansi Flick oo saxiixay heshiis cusub oo uu ku noqonayo Macallinka xulka qaranka Jarmalka

0
48

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababare Hansi Flick ayaa saxiixay heshiis cusub oo uu ku noqonayo Macallinka xulka qaranka Jarmalka kaddib ciyaaraha EURO.

Hansi Flick waxa uu noqon doonaa Macallinka xulka qaranka Jarmalka, isagoo beddel u noqon doona Tababare Joachim Löw kaddib ciyaaraha Euro ee xagaagan, waxaana Tababare Flick uu qalinka ku duugay heshiis saddex sanadood ah oo sii tixnaan doona illaa sanadka 2024-ka.

Macallinkii hore ee Kooxda Bayern Munich, Flick ayaa yiri: “Aniga ahaan wax walba si lama filaan ah ayey u dhaceen waana saxiixay, laakiin aad ayaan ugu faraxsanahay inaan awood u yeesho inaan noqdo tababare qaran laga bilaabo dayrta iyo wixii ka dambeeya.

“Xilli ciyaareedku hadda wuu dhamaaday, labadii sano ee aan joogay Kooxda Bayern Munich waa ay i caawin doontaa, riyada kooxda iyo habdhaqanka ciyaartoydu waxay ahaayeen kuwa heer sare ah, wax badan ayaanan qaadan doonaa oo aan sii wadi doona qaabeynta shaqadayda.

“Xaqiiqdii waan rajeynayaa taas, maxaa yeelay waxaan arkayaa tayada weyn ee ciyaartoyda, gaar ahaan ciyaartoyda da’da yar ee Jarmalka.” ayuu hadalkiisa ku daray Tababare Hansi Flick.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here