Tababare Luis Enrique oo sharraxay sababtii uu safka qaranka Spain ee Euro 2020 kaga reebay Kabtankii xulka ee Sergio Ramos

0
49

Baladweyne (Radio Beerlula)-Macallinka xulka qaranka dalka Spain ee Luis Enrique ayaa shalay soo saaray safka xulkiisa u matalaya tartanka qarammada qaaradda Yurub ee Euro 2020, waxaana safkiisa laga waayay difaaca Real Madrid ee Sergio Ramos iyo xiddigaha kooxdaas u ciyaara oo idil.

Kabtanka Los Blancos ayaa ciyaaray keliya shan ciyaarood marka la isku daro koox iyo qaranba sanadkan 2021, waxaana taasi ay sababtay inuu Enrique ka reebo safkiisa xulka Spain.

“Ma uusan awoodin inuu tartammo ama uu tababar sameeyo, mana aysan ii fududeyn inaan ka tago” ayuu macallinka xulka Spain ku sheegay shirkiisa jaraa’id.

“Shalay waan wacay, way adkeyd oo ma aysan lahayn farxad iyo qanaaco.

“Waxaan dareemay xanuun, waa xirfadle aad u sarreeya sidoo kalena qaranka caawiyay wax badan haddana caawin kara mustaqbalka, balse waxa aan raadiyay faa’ida kooxda inteeda kale” ayuu yiri Enrique.

Macallinkii hore ee Barcelona ayaa noqday tababarihii ugu horreeyay ee xulka qaranka Spain hoggaamiya tartan weyn isagoo aanan safkiisa ku darin xitaa hal xiddig oo ka tirsan Real Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here