Pochettino oo kooxda PSG ku wargeliyey rabitaankiisa ah inuu tago

0
73

Baladweyne (Radio Beerlula)-Sida wararku ay sheegayaan Macallin Mauricio Pochettino ayaa ku wargeliyey kooxda Paris Saint-Germain rabitaankiisa ah inuu tago.

Kooxda reer France ayuu Macallin Mauricio Pochettino u sheegay inuu doonayo inuu ka tago xagaagan, waxaana hadda la sii warinayaa Magacyada labada kooxood ee midkood uu leylin doono macallinkii hore ee Spurs.

Tababarahan reer Argentine ayaa weli gacanta ku haysta hal sano oo kaga harsan heshiiskiisa haatan uu kula joogo kooxda ka ciyaarta horyaalka Ligue 1, laakiin waxa uu go’aansaday inuu xagaagan isaga tago.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in labada kooxood ee midkood uu hoggaanka u qaban doono Mauricio Pochettino ay kala yihiin kooxda ka dhisan caasimadda Spain ee Real Madrid iyo Kooxdiisii hore ee ka dheesha horyaalka Premier League ee Tottenham.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here