Xogaha & xaqiiqooyinka laga diiwaan geliyay Fiinaalkii Champions League ee xalay

0
66
Soccer Football - Champions League Final - Manchester City v Chelsea - Estadio do Dragao, Porto, Portugal - May 29, 2021 Chelsea players celebrate with the trophy after winning the Champions League Pool via REUTERS/Pierre-Philippe Marcou

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ku guuleysatay tartanka Champions League xilli ciyaareedkan 2020-21 kaddib markii ay ciyaartii fiinaalka ku garaacday kooxda Manchester City.

Gool uu qaybtii hore dhaliyay Kai Havertz gaar ahaan daqiiqaddii 42-aad ee ciyaarta ayaa Blues ka saaciday inay ka adkaato dhiggeeda, sidoo kalena ay hanato tartanka horyaallada Yurub markeedii labaad taariikhda.

 

>- Kai Havertz ayaa noqday xiddigii ugu horreeyay ee goolkiisa koowaad ee Champions League dhaliya ciyaar fiinaal ah tan iyo Ilkay Gundogan sanadkii 2013, waxaana uu sidoo kale noqday Jarmalkii ugu da’da yaraa ee gool ka dhaliya fiinaalka UCL tan iyo Lars Ricken oo isagoo ka tirsan Borussia Dortmund gool ka dhaliyay Juventus sanadkii 1997.

>- Tan iyo markii Thomas Tuchel loo dhiibay shaqada kooxda Chelsea, waxa uu garaacay Manchester City saddex kulan oo xiriir ah isagoo 1-0 ku garaacay kulankii nus-dhammaadka FA Cup-ka, sidoo kalena kulankii horyaalka ka tirsanaa ee bishan horraanteedii ayuu 1-2 kaga soo adkaaday, waxaana xalay uu Champions League kaga qaaday 1-0.

>- Thomas Tuchel ayaa noqday macallinkii ugu horreeyay ee fiinaal tartan weyn ku garaaco Man City inta uu macallinka u yahay Pep Guardiola.

>- Tuchel ayaa sidoo kale noqday macallinkii labaad ee Pep Guardiola garaacay saddex ciyaar oo isku xigtan dhammaan tartammada marka laga reebo waayihiisii Barca B, waxaana saddex jeer oo xiriir ah hore u garaacay Jurgen Klopp oo isagoo macallin u ah Liverpool dhegta dhiigga u daray Klopp saddex ciyaar oo is xigta.

>- Jurgen Klopp, Hansi Flick iyo Thomas Tuchel ayaa saddexdii sano ee ugu dambeysay ku kala guuleystay tartanka Champions League, waxayna sameeyeen in markii ugu horreysay saddex xilli ciyaareed oo xiriir ah ay tartanka ku kala guuleystaan saddex macallin oo isku dal ah tan iyo Clough, Paisley iyo Barton oo sidaas sameeyay intii u dhexeysay 1980 ilaa 1982.

>- Saddexdii macallin ee ugu dambeeyay ee Champions League ku guuleystay iyagoo xilli ciyaareed kahor tartanka laga qaaday ayaa kala ah Jupp Heynckes, Jurgen Klopp iyo Thomas Tuchel, waana saddex macallin oo Jarmal ah.

>- Guardiola ayaa lagu garaacay fiinaalkiisii ugu horreeyay ee tartan weyn inta uu hoggaaminayo Manchester City, waxaana sidoo kale xalay laga qaaday fiinaalkii labaad ee tartan weyn xirfaddiisa macallinnimo kaddib Copa del Rey oo 2010-11 ay ku garaacday Real Madrid.

>- Kaliya saddex goolhaye ayaa taariikhda Champions League shabaqooda difaacday sagaal kulan ama wax ka badan hal xilli ciyaareed waxayna kala yihiin Santiago Canizares, Keylor Navas iyo Edouard Mendy, waxaana shabaq ilaaliyaha Chelsea uu noqday goolhayihii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedkii koowaad ee tartanka horyaallada Yurub ka sameeya rikoorkaas oo kale.

>- Mendy ayaa dhinaca kale noqday goolhayahii ugu horreeyay ee Afrikaan ah kaasoo kusoo bilawday ciyaarta fiinaalka Champions League tan iyo markii magacaan loo bixiyay tartankan, iyo goolhayahii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee shabaqiisa ilaalsada ciyaar fiinaalka UCL-ka ah.

>- Ma jirto koox Ingiriis ah oo ka koobab badan Chelsea tan iyo markii uu la wareegay Roman Abramovic, waxayna qaadday FA Cup (5), Premier League (5), League Cup (3), Europa League (2) iyo Champions League (2).

>- N’Golo Kante ayaa ku guuleystay laacibka garoonka, waxaana uu noqday xiddigii lixaad ee isagoo khadka dhexe ka ciyaaraya ku guuleysta xiddiga garoonka fiinaalka Champions League, waxaana hore sidaas u sameeyay Zinedine Zidane, Deco, Steven Gerrard, Xavi Hernandez iyo Andres Iniesta.

>- N’Golo Kante ayaa sidoo kale noqday xiddigii lixaad ee taariikhda ku guuleystay Premier League, Champions League iyo Koobka Adduunka, shantii horena waxay ahaayeen Thiery Henry, Fabien Barthez, Juliano Belletti, Gerard Pique iyo Pedro.

>- César Azpilicueta ayaa noqday kabtankii ugu horreeyay ee Isbaanish ah kaasoo tartanka Champions League ku hoggaamiyay koox aan Spain ka dhisnayn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here