Kooxda Midnimo oo galabta guul ka gaartay naadiga Gaadiidka

0
306

Baladweyne(Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Midnimo ayaa saddexda dhibcood ka heshay naadiga Gaadiidka kulan qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, ciyaar aad u xiiso badan oo galabta ka dhacay Tuulada ciyaaraha dalka ee Stadium Mugadishu.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa la boobsiiyey kooxda Gaadiidka, waxaana loogu shubay labo gool oo isxigay, iyadoo labada gool ee Kooxda Midnimo uu qeybta hore u dhaliyey xiddiga lambarka 21-aad ee Matube Peter daqiiqadihii 6-aad iyo 34-aad, sidaas ayaana lagu kala nastay Kooxda Midnimo oo ku gacan sarreysay 2-0.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib la isugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay, iyadoo kooxina doonaysay inay goolasha iska soo guddo mid kale ay doonaysay inay shabaqa adkeysato.

Ciyaarta oo gabagabo ku dhow kooxda Gaadiidka ayaa hal gool iska soo gudday goolashii deynta ahaa ee lagu lahaa, waxaa hal gool oo ay ciyaarta galabta la yimaadeen u dhaliyey daqiiqaddii 86-aad ciyaaryahankooda lambarka 77-aad ee C/raxmaan Naasir Khaliif, waxaana uu ciyaarta ka dhigay 2-1 weli looga gacan sarreeyey Kooxdiisa Gaadiidka.

Ugu dmabeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-1 ay Kooxda Midnimo kaga adkaatay Naadiga Gaadiidka, kaddib ciyaar aad u xiiso badan oo galabta ka dhacay Tuulada ciyaaraha dalka ee Stadium Mugadishu.

Guusha ay galabta gaartay Kooxda Midnimo waxa ay ka dhigan tahay inay dhibacaha kala siman yihiin haatan naadiga ay garaaceen ee Gaadiidka iyagoo wada leh iminka mid 12-dibcood.

Garsooraha ciyaarta maantana waxa uu ahaa Garsoore Cabdifitax Saciid Mire.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here