helsea Oo Qarka U Saaran Saxeexa Difaaca Bayern Munich

0
63

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ku dhow dhamaystirka saxeexa difaac uu amaan kula dul-dhacay Virgil van Dijk oo uu ku tilmaamay ‘mid aad u wanaagsan’, kaas oo Thomas Tuchel uu kasoo qafaalanayo Bayern Munich.

Chelsea oo ku guuleysatay Champions League ayaa meelaha ay ka xooggan tahay waxa ka mid ah khadka dambe ee difaaca, laakiin Tuchel ayaan wali ku qanacsanayn heerka laacibiintiisa oo uu doonayo in uu sii horumariyo isagoo kusoo kordhinaya laacib kale oo tayadiisu sarrayso.

Tababaraha reer Germany ayay dadka qaarkood usoo jeediyeen in aanu u baahnayn difaac kaddib wacdarihii uu lasoo baxay Antonio Rudiger oo bilowgii xilli ciyaareedkii tegay qarka u saarnaa in uu ka tago kooxda iyadoo uu liiska xiddigaha diciifka ah ugu jiray Frank Lampard, hase yeeshee difaaca reer Germany iyo Andreas Christensen ayaa labaduba ciyaar sarraysa la yimid.

Laakiin Tuchel ayaa doonaya in Fikayo Tomori oo la filayo in AC Milan ay si rasmi ah ula wareegto uu booskiisa kusoo buuxiyo ciyaartoy kale oo siiya kala-doorasho badan, mustaqbalkana noqon kara beddelka Thiago Silva oo sannad kale ku kordhiyey qandaraaskiisa iyadoo ay da’diisu tahay 36 jir.

Sida uu qoray wargeyska caanka ah ee BILD ee kasoo baxa waddanka Germany, Chelsea ayaa qarka u saaran in ay heshiis la gaadho difaaca Bayern Munich ee Niklas Sule oo aan ku qanacsanayn kaalinta uu ku leeyahay kooxdaas, inkasta oo bixitaankii David Alaba uu fursad u noqon karo.

25 jirkan ayuu wargeysku sheegay in uu xiisaynayo in uu tago horyaalka Premier League, isla markaana ay Chelsea ku heli karto £31.5 milyan oo Gini oo ah qiimaha uu ka taagan yahay suuqyada ee ay u jaangoysay Transfermarkt.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here