Muxuu ka yiri Pogba dib ugu soo laabashada Benzema ee liiska xulka qaranka France

0
54

 Xiddiga khadka dhexe kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa ka hadlay diyaargarowga xulka qaranka France ee tartanka EURO 2020, iyo qiimaha ay leedahay dib ugu soo laabashada Karim Benzema ee liiska xulka.

Wiilasha uu hoggaamiyo Didier Deschamps ayaa durbaba bilaabay isku diyaarinta Koobka Qaramada Yurub ee 2020, waxayna kulankooda ugu dambeeyay ay guul weyn ka gaareen dhigooda Wales.

Karim Benzema ayaa soo laabtay ka dib markii uu in ka badan 5 sano ka maqnaa xulka qaranka France, Pogba ayaa kor u qaaday qiimaha soo laabashada xiddiga Real Madrid.

Haddaba Paul Pogba ayaa wareysi uu ku bixiyay wargayska “La Pioche” ayaa wuxuu yiri:

“Waligay xiriir fiican ayaan la lahaa isaga, inta badan waanu kulmi jirnay xiliyada ciidaha oo waanu is aragnay, gudaha garoonka waxaan isku dayaa inaan la qabsado isaga.”

“Waxaan isku dayeynaa inaan si fiican is kula jaan qaadno garoonka dhexdiisa, waa inaan u fiirsado dhaq dhaqaaqyadiisa si la mid ah Antoine Griezmann iyo Kylian Mbappe.”

“Waxaan ubaahanahay inaan ku muujino tayada qofkasta oo naga mid ah qaab wanaagsan.”

“Waa wax weyn in ciyaartoy badan oo waa weyn ay joogaan France, ciyaartoy heer caalami ah, laakiin waxaan u baahanahay inaan isku fahamno garoonka dhexdiisa, waxaan isku dayi doonaa inaan caawiyo oo aan baasas siiyo, taasi wey fiicnaan laheyd.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here