Antoine Griezmann oo si kaftan ah uga hadlay mustaqbalka Kylian Mbappé

0
66

Baladweyne (Radio Beerlula)- Xiddiga kooxda Barcelona ee Antoine Griezmann ayaa qaab kaftan ah uga hadlay mustaqbalka laacibka ay isku wadanka ka soo wada jeedaan iyo naadiga Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé.

Wargeyska “Sport” ayaa daabacay in Griezmann uu la ciyaarayo madaxweyhana kooxda Real Madrid ee Florentino Perez, oo ku riyoonaya inuu helo saxiixa Mbappé si uu u noqdo hubka cusub ee Los Blancos sanadaha soo socda.

Griezmann iyo Mbappe ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir aad u wanaagsan oo qaas ah, iyadoo xiddiga kooxda Barcelona uu ka faa’ideystay la joogitaankiisa Mbappé ee haatan xerada tababarka xulka qaranka France ay ugu diyaar garoobayaan koobka EURO 2020, si uu ugu kaftamo mustaqbalkiisa iyo kooxda uu ku biirayo.

Antoine Griezmann oo la hadlayay warbaahinta ayaa wuxuu ka hadlay mustaqbalka Kylian Mbappé, wuxuuna yiri:

“Waxay kugula saxiixatay Newcastle qiimo dhan 134 million euros.”

Iyadoo xiddiga kooxda Paris Saint-Germain uu ugu jawaab celiyay.

“Cimilada halkaas ma kulula soo maahan.”

Wargeyska “Sport” ayaa tilmaamay in Mbappe uu meesha ka saarayo fikirka ah inuu ugu biirayo Newcastle cimilada darteed, xitaa haddii ay dhacdo inuu go’aansado inuu ka tago kooxda Paris, isla markaana uusan cusbooneysiin qandaraaska uu kula jiro maamulka PSG muddada soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here