Ghana oo Qeybinta Tallaalka Covid-19 U Adeegsaneysa Diyaaradaha aan Duuliyaha Lahayn

0
70

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dowladda Ghana ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn u adeegsanaysa in tallaalka Covid-19 uu gaaro dhammaan dacallada dalkaas.

Wasaaradda caafimaadka Ghana ayaa fududeynta howshan waxa ay iskaashi kala samaysay shirkadda Zipline eel aga leeyahay dalka Mareykanka taas oo ka shaqeysa kala tallaabinta dawooyinka. Waxay shirkaddani tallaalka Covid-19 si sahlan ku gaarsiin doontaa deegaannada dhaca miyiga fog ee Ghana.

Diyaaraha aan duuliyaha lahayn ee Zipline ayaa awood u leh in halkii marba ay socdaal ku marto 160 km oo sii socod iyo soo socod ah iyada oo duullimaad walbana uu qaadanayo ugu badnaan 55 daqiiqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here