Guardiola oo ka hadlay sii joogitaanka Koeman ee Barcelona

0
56

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta uu dib u soo cusbooneysiiyay kalsoonidiisa Ronald Koeman.

Dhinaca kale tababare Pep Guardiola ayaa carabka ku adkeeyay inuu ku faraxsan yahay joogitaankiisa England, isla markaana uusan haatan ku fikireynin inuu ka tago kooxda inuu ka tago kooxda Manchester City.

Sida ay wararku sheegayeen, Joan Laporta ayaa rajeynayay inuu ka dhaadhiciyo Guardiola inuu ku laabto Barcelona, ​​lakiin waxa ay u muuqataa in tababaraha reer Spain uusan ku fikireynin inuu qaado talaabadaas sababtoo ah sida uu ugu heellan yahay Manchester City.

Haddaba Pep Guardiola oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu u sheegay:

“Sidee ayey u qurux badan tahay in Ronald Koeman uu sii ahaado tababaraha Barca, daqiiqado yar gudahood, Barcelona waxay ciyaartay kubadda ugu fiican Spain, xilli ciyaareedka labaad sida caadiga ah wuxuu noqon doonaa mid fiican.”

“Koeman wuxuu u qalmaa in uu sii wado sanad kale, waxayna noqon kartaa sanad ka duwan sababa la xiriira joogitaanka taageerayaasha, xilli ciyaareedkaada labaad, waxaad si fiican u garanaysaa kooxda, mana u malaynayo inay xumaan doonto.|”

Intaas kaddib Pep Guardiola ayaa wuxuu ka hadlay wararka la xiriirinaya inuu dib ugu laabanayo kooxda Barcelona, wuxuuna yiri:

“Waxaan heystaa labo sano qandaraaskeyga Manchester City ah, waana ku faraxsanahay waana sii wadi doonaa sidaas.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here