Madaxweyne Macron oo meel fagaare ah lagu dharbaaxay

0
55

Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa lagu dharbaaxay goob fagaare ah xilli uu safar ku joogay koonfurta bari ee dalkaas, isaga oo ku guda jiray maalintii labaad ee booqasho uu dalka ku marayo.

Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada iyo taleefishinka BFM ayaa muujiyey Macron oo kusoo dhowaanaya meel ay taagan yihiin dad kadibna salaamaya nin ka mid ah, hase yeeshee kaasi oo salaanta beddlekeeda dharbaaxo wejiga uga dhufanaya.

Ilaalada Macron ayaa durba so faro-geliyey dhacdadan waxayna xireen laba qof, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here