Horudhac: Italy vs Switzerland

0
383

Baladweyne (Radio Beerlula)- Xulka qaranka dalka Taliyaaniga ayaa noqon kara xulkii ugu horreeyay ee xaqiijiya inuu usoo baxay tartanka Euro 2020 wareeggiisa bug-baxda haddii uu caawa ka adkaado Switzerland.

Macallinka xulka Azzuri ee Roberto Mancini ayaa sheegay inuu haatan aqbalay inuu xulkiisa ka mid yahay waddammada loo saadaalinayo tartankan inay ku guuleystaan sidaas darteed, uu dareemayo kalsooni badan.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Europe – EURO 2020

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Stadio Olimpico

Garsooraha: Sergei Karasev (Russia)

Wararka Xulalka:-

Dhammaan xiddigaha Switzerland ayaa taam u ah kulankan, waxayna diyaar u yihiin inay ciyaaraan kulanka caawa ay wajahayaan Italy.

Taliyaaniga ayaa lasoo sheegayaa inay safkooda dib ugu heli karaan Marco Verratti oo dhaawac kasoo kabanayay, hase ahaatee, wargeyska Taliyaaniga kasoo baxa ee La Gazzetta dello Sport ayaa sheegay inaysan u badneyn inuu xiddigan kusoo bilaaban karo ciyaarta ay wajahayaan Swiss-ka.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Italy

Taliyaaniga ayaa shabaqiisa difaacday dhammaan sagaalkii ciyaarood ee ugu dambeysay tartammada oo dhan, waxaana uu haatan sii cago-cageynayaa 875 daqiiqo oo aanan wax gool ah laga dhalin tan iyo goolkii Donny van de Beek ee isagoo Netherlands u ciyaara uu ka dhaliyay Italy bishii October ee sanadkii hore.

Haddii uu Taliyaaniga caawa guuleysto waxa uu usoo bixi doonaa wareegga 16-ka, marka taariikhda dib loo raacana, keliya labo jeer ayuu Taliyaaniga wareegga bug-baxda ku xaqiijiyay guulo uu gaaray labada ciyaar ee ugu horreysa tartanka qarammada qaaradda Yurub, waxayna kala ahaayeen Euro 2000 iyo Euro 2016.

Weeraryahanka xulka Italy ee Ciro Immobile ayaa 92 gool ku dhaliyay garoonka Stadio Olimpico kaddib 118 ciyaarood oo uu ku dheelay tan iyo markii uu Lazio kusoo biiray 2016.

Immobile ama Lorenzo Insigne ayaa midkood noqon kara xiddigii ugu horreeyay ee Taliyaaniga goolal u dhaliyay labada kulan ee ugu horreysa tartan weyn tan iyo Christian Vieri oo labada ciyaar ee ugu horreysay Koobka Adduunka 2002 shabaqa soo taabtay.

Switzerland

Xulka Switzerland ayaa barbarro galay afartii ciyaar ee ugu dambeysay tartanka qarammada qaaradda Yurub, mana jiro waddan shan ciyaarood oo xiriir ah tartankan barbarro ka galay.

Weeraryahanka reer Switzerland ee Haris Seferovic ayaa 13 darbo tuuray shan kulan oo uu tartanka qarammada qaaradda Yurubm ciyaaray, waxaana ku jira shan darbo oo uu tuuray qaybtii hore ee ciyaartii lasoo dhaafay ee ay xulkiisa 1-1 barbarro ah wada galeen Wales, balse xiddigan ayaa wali sugaya goolkiisii ugu horreeyay ee Euro.

Tan iyo 2014, Xherdan Shaqiri ayaa ku lug yeeshay 50% ama kala bar goolasha xulka Switzerland uu ka dhaliyay tartammada waaweyn isagoo dhaliyay shan gool sidoo kalena caawiyay saddex kale oo ka mid ah guud ahaan 16-ka gool ee xulkiisa ka dhaliyay tartammada waaweyn muddadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here