Kooxda Manchester City oo weli xiiseynaysa soo xero-gelinta Xiddiga Atletico Madrid ee Joao Felix

0
55

Baladweyne (Radio Beerlula)-Sida wararku ay sheegayaan Weeraryahanka Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ee Joao Felix ayaa weli waxa uu xiiso ka helayaa naadiga Manchester City ee ka dhisan dalka Ingiriiska.

Citizens ayaa la xaqiijiyay inay suuqa ugu jirto ciyaaryahan cusub oo weerar ah kaddib markii uu ka tagay gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda ee Sergio Kun Aguero.

Weeraryahanka Kooxda Tottenham Hotspur ee Harry Kane ayaa la rumeysan yahay inuu yahay bartilmaameedka ugu sarreeya ee Man City, laakiin waxaa jira faham ah inaysan macquul ahayn in xagaagan heshiis lala galo Spurs.

Warsidaha Eurosport ayaa warinaya in kooxda haysata horyaalnimada Premier League ay sii waddo inay raadiso xulashooyin kale, iyadoo ciyaaryahanka reer Portugal ee Felix uu ka mid yahay kuwa isha lagu hayo.

Waxaa la sheegayaa in Atletico aysan meesha ka saareynin iibka xiddigan, kooxda haysata horyaalka Spain ayaa laga yaabaa inay ogolaato bixitaanka xiddigan haddii Bernardo Silva loo soo bandhigo inuu yahay qeyb ka mid ah heshiiskan is-dhaafsiga ah.

Labada ciyaaryahan ee Kooxda Inter Milan, Romelu Lukaku iyo Lautaro Martinez ayaa sidoo kale xan lagu hayaa inay bartilmaameed u yihiin Man City, laakiin labadan Weeraryahan ayaa qiimo sare ku qiimeysan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here