Liiska xiddigah xulka qaranka dalkeenna uga qayb gali doona tartanka FIFA Arab Cup oo la soo saaray

0
65

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xidhiidhka kubada cagta Somaliya ayaa soo saaray Liiska xiddigaha xulka uga qayb gali doona tartanka FIFA Arab Cup oo ay kaga qayb gali doonaan dalka Qatar.

Xulka ayaa bilaaban doona is reeb-reebka tartanka maalinta Axada iyaga oo la ciyaari doona xulka Oman 20 bishan haatan lagu jiro oo ku beegan maalinta Axada soo socota.

Xidhiidha ayaa soo saaray Liiska xiddigaha xulka u matali doona tartanka iyaga oo soo xushay 32 xiddig kuwaas oo ka qayb gali doona kulanka is reeb-reebka iyo wareega Group-yada hadii ay ka badiyaan xulka Oman.

Xiddigaha la soo xulay kaliya waxa dalka gudihiisa ka ciyaara 12 xiddig halka xiddigaha kale ka ciyaaraan dalka Dibadiisa gaar ahaan horyaalkada qaarada yurub iyo maraykanka sida England, Finland, Sweden and USA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here