Xulka qaranka dalkeenna oo gaaray magaalada Doxa

0
90

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ciyaartooyada Xulka qaranka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magalada Doha oo ah caasimada dalka Qatar halkaasi oo 20ka bishan kula ciyaari doonaan Xulka kubadda cagta Oman kulan katirsan tartanka ciyaaraha Carabta oo ka furmaya wadankaasi.

Xulka kubada cagta Soomaaliya ayaa ka hor kulanka omaan waxaa ay soo sameeyeen diyaargaroow xoogan iyagoo labo kulan oo saaxiibtinimo lasoo ciyaaray xulka Jabuuti taasi kulana laga adkaaday midna ay guul gaareen.

Safarka ciyaartooydan ay ku tageen dalka Qatar ayaa imaanaya xili Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya uu shaqada ka eryay tababarihii Xulka Qaranka Soomaaliya Cabdellatif Salef oo u dhashay dalka Morocco, kaddib markii sida ay sheegeen uu erayo ‘aflagaado’ ah ciyaartooyda u adeegsaday.

Lama oga hadii uu xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya magacaabi doono macalin cusub ka hor kulanka Oman balse waxaa loo badinayaa in ciyaartaas ay xulka hugaamindoonaan caawiyayaasha tababarihii la ceeyriyay kuwaasi oo ah ciyaartooy horay ugu soo ciyaaray Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here