Xulalka Spain iyo Poland oo is mari waayay kulan ka tirsanaa koobka EURO 2020

0
36

Baladweyne(Radio Beerlula)-Xulalka Spain iyo Poland ayaa bar-bardhac 1-1 ah ku kala baxay ciyaar qeyb ka aheyd kulammada labaad ee GROUP E Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 uu ku hoggaaminayay xulka qaranka Spain.

Daqiiqadii 25-aad xulka Spain ayaa hoggaanka u qabtay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Alvaro Morata, kaddib markii uu caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Gerard Moreno.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

54 daqiiqo marka ay dheesha aheyd xulka qaranka Poland ayaa dhaliyay goolka bar-bardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay Robert Lewandowski oo caawin ay kaga timid saaxiibkiis Kamil Jozwiak.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhmmaatay bar-bardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada xul qaran Spain iyo Poland, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulammada labaad GROUP E Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here