Billy Gilmour oo laga helay Korona Fayras

0
111

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xiddiga xulka qaranka Scotland ayaa xaqiijiyey in Billy Gilmour laga helay Korona Fayras, iyadoo labo xiddig oo England ah oo uu salaamay laga cabsi qabo inuu ku dhacay KOFID 19.

Billy waxa uu geli doonaa karaantiil 10 maalmood ah, waxaana uu seegi doonaa kulaka ugu dambeeya Guruubkooda D ee tartanka UEFA EURO 2020, kaasoo ay wajahayaan dhiggooda Croatia berri oo Talaado ah, kana dhacaya Hampden.

Geesta kale waxaa laga shakisan yahay taam ahaanshaha labo xiddig oo ka tirsan xulka qaranka England, kuwaasoo salaan ay laabta geliyeen salaamay Gilmour markii ay soo dhammaatay ciyaartii dhex martay England iyo Scotland.

Mason Mount iyo Ben Chilwell ayaa kala ah labada ciyaaryahan ee laabta geliyey Billy, waxaana la sugayaa natiijada baaritaan la xiriira Korona Fayras ee laga qaaday dhammaan xiddigaha xulka qaranka England.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here