Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Copa America Oo La Soo Saaray.

0
60

Baladweyne (Radio Beerlula)-Waxa la soo afajray wareegii 2-aad ee tartanka Copa America xilli lagu kala baxayo tartanka kooxo badan gaadheen guulo muhiim ah.

Xulka Brazil ayaa guul weyn ka gaadhay xulka Peu iyaga oo 2 dhibcood oo cadaan ah ku haya Hogaanka Group-ka kuna dhaw in ay xaqiiqsadaan booskoooda wareega xiga ee tartanka.

Dhanka kale xulka Argentine ayaa guul muhiim ah ka gaadhay xulka Uruguay iyaga oo sidoo kale ugu cad-cad in ay kaalinta 1-aad kaga soo baxaan Group-kooda tartanka.

Chile ayaa dhankooda la bar-baro ah xulka Argentina kadib markii ay guul ka gaadheen xulka Bolivia kuwaas oo laga badiyay labadii kulan ee ugu horeeyay tartanka.

Xulka Venzuaela ayaa dhankooda bar-baro ku qabtay xulka Comobia kuwaas oo isku dhaafi waayay bar-baro gool l’aan ah laakiin Colombia ayaa ugu cad-cad wareega xiga.

Kadib markii la so afjaray wareega waxa la soo saaray shaxda ugu fiican todobaadka tartanka Copa America 2021.

Xulka Argentina ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 4 xiddig halka xulalka Brazil, Colombia iyo chelseashaxda ku leeyihiin min 2 xiddig halka xulka Venzuaela shaxda ku leeyahay hal xiddig.

Copa America TOTW 2

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here