Baarlamaanka Uganda oo loo xirey corona virus dartiis

0
50

Baladweyne (Radio Beerlula)- Baarlamaanka Uganda, ayaa si kumeel gaar ah loo xirey illaa iyo laba toddobaad, iyadoo uu dalkani si xawliga ah uggu dhex faafayo cudurka Covid19.

Toddobaadkii lasoo dhaafey, madaxda ayaa sheegay in boqol qof oo katirsan xubnaha baarlamaanka laga helay cudurka.

Warbixin lasoo saarey ayaa lagu sheegay in xiritaankauu dhaqan gali doono 28-ka bishan June, isagoo socon doonna illaa iyo 11-ka July ee bisha danbe, si loo nadiifiyo dhismaha baarlamaanka.

Dalka Uganda, ayaa wajahaya wajiga labaad ee coronavirus, taasoo ku riixday Madaxweyne Museveni, inuu dib u galiyo dalkiisa bandaw guud horraantii bishan.

Waxaa jira sara u kaca cudurkani, kaasoo ku dhex faafaya qeybo badan oo kamid ah dalalka Bariga Africa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here