Manchester United oo ogolaatay inay bixiso qiimaha ay Kooxda Borussia Dortmund ku doonayso Jadon Sancho

0
53

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay ogolaatay qiimaha 90-ka milayn ee Euro ah oo u dhiganta 77 milyan oo gini oo ay naadiga Borussia Dortmund ku doonayso in looga iibsado Jadon Sancho.

Xiddiga xulka qaranka England ayaa muddo dheer la la xiriirinayay inuu ka tagayo Dortmund, iyadoo Man United ay diiday inay ka bixiso lacagaha ay kooxda reer Jarmal ku dalbanaysay xagaagii 2020.

Red Devils ayaa tan iyo markaas dib u shaacisay xiisaha ay u qabaan Sancho, halka Dortmund ay hoos u dhigtay dalabkooda markaan, si kastaba ha ahaatee, Man United ayaa haatan u halgamaysa inay heshiis la gaarto.

Si kastaba ha noqotee, Wargeyska Bild ee ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa warinaya in Manchester United ay ogolaatay inay bixiso qiimaha ay BVB ku rabto in looga iibsado Sancho, taasoo ka dhigaysa inuu noqdo saxiixii saddexaad ee ugu qaalisanaa abid.

Sancho ayaa durba la fahamsan yahay inuu heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda 20-ka goor ku guuleysatay horyaalka Ingiriiska, waxaana heshiiska lagu soo gabagabeyn karaa isbuuca soo socda, iyadoo Dortmund ay dooneyso inay soo afjarto sheekadan muddada dheer soo jiitamaysay.

21-sano jirkaan ayaa xilli ciyaareedkii 2020-21 ku soo gabagabeeyay isagoo dhaliyey 16 gool iyo isla markaana sameeyey 20 caawin tartammada oo dhan, laakiin wuxuu ciyaaray kaliya lix daqiiqo tartanka koobka qarammada Yurub ee Euro 2020 ilaa iyo haatan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here