Horudhac: Italy vs Austria

0
555

Baladweyne(Radio Beerlula)-Xulka kubadda cagta dalka Taliyaaniga ayaa kulankii ugu horreeyay ee Euro 2020 ku ciyaari doona meel ka baxsan dalkiisa waxaana magaalada London uu kula balansan yahay xulka Austria.

Xulka Taliyaaniga ayaa kaalinta koowaad kaga soo baxay guruubka A, halka dhiggiisa Austria uu booska labaad kaga soo baxay guruubka C.

Kulankan ayaa ka mid ah ciyaaraha wareegga 16-ka, waxaana xulkii adkaada uu si toos ah ugu aadi doonaa midkood xulalka Belgium iyo Portugal kuwaas oo habeen dambe wada ciyaari doona.

Ciyaarta ayaa la dheeli doonaa 90 daqiiqo oo waqtiga caadiga ah, haddii daqiiqadaha caadiga ee ciyaarta lagu kala adkaan waayo waxaa la ciyaari doonaa 30 daqiiqo oo dheeraad ah ilaa laga gaaro rigooreyaal haddii 120-kaas daqiiqo lagu kala adkaan waayo.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Europe – EURO 2020

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Wembley Stadium

Garsooraha: Anthony Taylor (England)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here