Horudhac: Wales vs Denmark

0
54

Baladweyne(Radio Beerlula)-Kulammada bug-baxa ee tartanka qarammada qaaradda Yurub ayaa caawa si toos ah loo daah rogi doonaa marka xulalka Wales iyo Denmark ay isku arkaan magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands.

Xulka Wales ayaa kaalinta labaad kaga soo baxay guruubka A, halka Danish-ka uu isla booskaas oo kale kaga soo baxay guruubka B.

Kulankan ayaa ka mid ah ciyaaraha wareegga 16-ka, waxaana xulkii adkaada uu si toos ah ugu aadi doonaa midkood xulalka Netherlands iyo Czech Republic kuwaas oo habeen dambe wada ciyaari doona.

Ciyaarta ayaa la dheeli doonaa 90 daqiiqo oo waqtiga caadiga ah, haddii daqiiqadaha caadiga ee ciyaarta lagu kala adkaan waayo waxaa la ciyaari doonaa soddon daqiiqo oo dheeraad ah ilaa laga gaaro rigooreyaal haddii 120-kaas daqiiqo lagu kala adkaan waayo.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Europe – EURO 2020

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 07:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Johan Cruijff ArenA

Garsooraha: Daniel Siebert (Germany)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here