Horudhac: Belgium vs Portugal

0
59

Baladweyne(Radio Beerlula)-Xulka kaalinta koowaad kaga jira qiimeynta xulalka Adduunka ee Belgium ayaa caawa la ciyaari doona dhiggooda Portugal oo xafidanaya tartankan.

Kulankan oo ka dhici doona caawa Magaalada Seville ee dalka Spain ayaa xulkii adkaada Belgium iyo Portugal waxa uu gaari doonaa siddeed dhammaadka tartankan.

Indhaha oo dhan waxa ay hayaan caawa Weeraryahanka xulka qaranka Belgium ee Romelu Lukaku iyo Kabtanka xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo, kuwaasoo siddeed gool ka dhaliyey Euro 2020.

Kulankan ayaa ka mid ah wareegga 16-ka Euro 2020, waxaana xulkii adkaada uu si toos ah ugu aadi doonaa xulka qaranka Talyaaniga oo xalay 120 daqiiqo kaddib ka soo adkaaday xalay Austria.

Ciyaarta ayaa la dheeli doonaa 90 daqiiqo oo waqtiga caadiga ah, haddii daqiiqadaha caadiga ee ciyaarta lagu kala adkaan waayo waxaa la ciyaari doonaa 30 daqiiqo oo dheeraad ah ilaa laga gaaro rigooreyaal ama gool-ku-laadyo haddii 120-kaas daqiiqo lagu kala adkaan waayo.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Europe – EURO 2020

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka:  Estadio de La Cartuja, Seville

Garsooraha: Felix Brych (Germany)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here