Xulka Belgium oo iska xaadiriyay wareega Siddeeda ee Koobka EURO 2020

0
73

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xulka Belgium ayaa iska xaadiriyay wareega Siddeeda ee Koobka EURO 2020 kaddib markii uu guul dirqi ah kaga gaaray dhigiisa Portugal 1-0, kulan qeyb ka ahaa wareega 16-ka ee tartanka Qaramada Qaarada Yurub.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 uu ku hoggaaminayay xulka qaranka Belgium.

Daqiiqadii 42-aad xulka qaranka Belgium ayaa hoggaanka u qabtay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Thorgan Hazard, kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Thomas Meunier.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-0 uu kaga adkaaday xulka qaranka Belgium, dhigiisa Portugal, wiilasha tababare Roberto Martínez ayaa iska xaadiriyay wareega siddeed dhammaadka ee Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020, waxayna kula ciyaari doonaan Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here