Xulka Czech Republic oo tartanka Euro 2020 ka cirib tiray xulka Netherlands

0
89

Baladweyne (Radio Beerlula)-Waxaa goor dhow soo idlaaday kulankii dhex maray xulalka Netherlands iyo Czech Republic kaasoo qayb ka ah wareegga 16-ka tartanka qarammada qaaradda Yurub.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbarro 0-0, waxaana labada xul ay isku dayeen inay hoggaanka kulanka qabtaan.

Markii dib la isugu soo laabtay waxaa casaan la siiyay difaaca xulka Netherlands ee Matthjis de Ligt kaasoo ciyaarta laga saaray daqiiqaddii 55-aad.

Si kastaba ha ahaatee, Tomáš Holeš ayaa gool u dhaliyay xulka Czech daqiiqaddii 68-aad ee ciyaarta goolkaas oo wadnaha jaray xulka Holland.

Waxaana Netherlands oo niyadda ka dilan tirada xiddigaha garoonka ku jirana loogu awood sheeganayo goolka labaad ka dhaliyay Patrik Schick oo ciyaarta ka dhigay 2-0 daqiiqaddii 80-aad ee ciyaarta.

Sidaas darteed, xulka lagu naaneyso Oranges ayaa isaga baxay tartanka Euro 2020 isagoo sababsaday xulka aan Czech Republic.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here