Horudhac: England vs Germany

0
616

Baladweyne (Radio Beerlula)-Magaalada London ee caasimadda Ingiriiska ayaa caawa marti gelineysa kulanka ugu weyn ee wareegga 16-ka tartanka qarammada qaaradda Yurub ee sanadkan halkaas oo ay ku wada ciyaarayaan xulalka England iyo Germany.

Xulka Ingiriiska ayaa doonaya inuu Jarmalka ku garaaco wareegyada bug-baxda ee tartammada waaweyn ee xulalka markii ugu horreysay tan iyo Fiinaalkii Koobka Adduunka ee 1966.

Xulkii soo gudbaa ciyaarta caawa ayaa magaalada Rome ee dalka Taliyaaniga ku wajahi doona ciyaaraha wareegga rubac-dhammaadka tartanka Euro 2020 midka soo gudba xulalka Sweden ama Ukraine oo iyaguna caawa ciyaari doona.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Europe – EURO 2020

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 07:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Wembley Stadium

Garsooraha: Danny Makkelie (Netherlands)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here