Kooxda Barcelona oo joojisay heshiiskii ay kula jirtay mid ka mid ah xiddigaheeda

0
47

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa joojisay heshiiskii ay kula jirtay ciyaaryahankeeda Matheus Fernandes.

Bayaan ka soo baxay Kooxda reer Spain oo lagu xaqiijiyey inaysan kooxdu u baahnayn adeegga laacibkan ayaa u dhignaa: “Kooxda kubadda cagta Barcelona waxa ay ku wargelisay ciyaaryahanka reer Brazil ee Matheus Fernandes in kooxdu aysan u baahnayn adeeggiisa, isla markaana ay joojineyso qandaraaskiisii ku ekaa ilaa bisha June ee sanadka 2025-ka.”

Ciyaaryahankan oo ku dhashay Itaboraí 30 bishii June ee sanadkii 1998-kii ayaa ku soo biiray kooxda Barça suuqii kala iibsiga jiilaalka ee 2020, laakiin inta ka dhimman xilli ciyaareedkaas waxa uu amaah ku qaatay Valladolid. Kaddib waxa uu ku biiray kooxda waa weyn ee Barça isla xilli ciyaareedkii hore ee 2020/21.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here