Raphael Varane oo kusii dhowaanaya ku biirista Manchester United…(Ma dhab baa inay Man United iyo Real Madrid ku heshiiyeen iibkiisa

0
53

Baladweyne (Radio Beerlula)– Ku biirista Raphael Varane ee kooxda Manchester United ayaa u muuqata mid sii dhowaaneysa iyadoo saxafi Isbaanish ah uu sheegay inay kooxda reer England heshiis horudhac ah la gaartay Real Madrid si ay kaga soo qaadato xiddiga ka ciyaara difaaca dhexe.

Ciyaaryahankan Faransiiska ah ayaa qarka u saaran inuu isaga tago Madrid xagaagan kaddib markii uu iska diiday inuu heshiis cusub la galo kooxdiisa, sidaas darteed, Madaxweyne Florentino Perez ayaa sheegay inay naadigiisa fasaxeyso Varane haddii uu diido inuu Los Blancos baaqi kusii ahaado.

Wariyaha Isbaanishka ah ee Pipi Estrada oo marti ku ahaa El Chiringuito TV ayaa sheegay inay heshiis guud gaareen Man United iyo Real Madrid kaasoo ku aaddan iibka 28-jirka heysta Koobka Adduunka.

Si kastaba ha ahaatee, Red Devils ayaa raadineysa laacib ka ciyaara difaaca dhexe kaasoo ay la mataaneysiiso Kabtan Harry Maguire waxaana ay haatan awooddeeda isugu geysay saxiixa difaaca Madrid afarta jeer la qaaday Champions League ee Raphael Varane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here