Xulka Denmark oo u gudbay wareega Afarta ee Koobka EURO 2020 kaddib markii uu ka adkaaday Czech Republic…

0
56

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xulka Denmark ayaa u gudbay wareega Afarta ee Koobka EURO 2020 kaddib markii uu guul kaga gaaray dhigiisa Czech Republic 1-2, kulan qeyb ka ahaa wareega Siddeeda ee tartanka Qaramada Qaarada Yurub.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 uu ku hoggaaminayay xulka qaranka Denmark.

Daqiiqadii 5-aad ee bilowgii ciyaarta xulka qaranka Denmark ayaa hoggaanka u qabtay ciyaarta kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Thomas Delaney waxaana caawin uu ka helay Jens Stryger Larsen.

Kasper Dolberg oo caawin ka helay saaxiibkiis Joakim Maehle ayaa daqiiqadii 42-aad wuxuu dheesha ka dhigay 0-2 uu ku hoggaaminayay xulka qaranka Denmark.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 49-aad xulka Czech Republic ayaa dhaliyay gool, kaddib markii uu ciyaarta ka dhigay 1-2 xiddigooda Patrik Schick, waxaana caawinta goolkan uu ka helay saaxiibkiis Vladimir Coufal.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-2 uu kaga adkaaday xulka qaranka Denmark dhigiisa Czech Republic, kulan qeyb ka ahaa wareega siddeeda, iyadoo wiilasha Denmark ay u gudbeen afar dhammaadka Koobka Qaramada Qaarada Yurub ee 2020, waxayna sugayaan kii soo baxa xulalka Ukraine iyo England.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here