César Azpilicueta oo uga digay saaxiibadiis qaranka Spain, halista uu leeyahay xiddig ka tirsan xulka Talyaaniga

0
71

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ciyaaryahanka kooxda Chelsea iyo xulka Spain ee César Azpilicueta ayaa uga digay saaxiibadiis qaranka, halista uu leeyahay xiddig ka tirsan xulka Talyaaniga, kahor kulanka labada xul.

Talaadada soo socota xulalka Spain iyo Talyaaniga ayaa waxay ku wada ciyaari doonaan semi-finalka Koobka Qaramada Yurub ee Euro 2020.

César Azpilicueta ayaa carabka ku adkeeyay sida uu muhiim u yahay ciyaaryahanka khadka dhexe reer Talyaani iyo kooxda Chelsea ee Jorginho.

Haddaba sida uu daabacay shabakada “Sky Sport” kabtanka kooxda Chelsea ee César Azpilicueta ayaa wuxuu yiri:

“Way fiicnaan laheyd inaan markale Jorginho kula kulmo garoonka dhexdiisa.”

“Taasi waa sababta kubadda cagta ay u fiican tahay, hadda waxaan sida ugu fiican ku soo bandhigi doonaa xulkeena qaranka.”

“Jorginho wuxuu cadeeyay inuu yahay laacib muhiim u ah Italy.”

“Wuxuu leeyahay tayo muhiim ah, wuxuu ku fiican yahay inuu kubada dhex dhigo labadiisa lugood dhaxdooda, iyo inuu xakameeyo xawaaraha ciyaarta.”

“Hadii aan xakameyno oo aan yareyno qatartiisa, waxaan heli doonaa fursado badan oo aan ugu soo bixi karno finalka.”

Talyaaniga ayaa u gudbay semi-finalka kaddib markii uu Koobka Qaramada Qaarada Yurub ee EURO 2020 ku garaacay Belgium 2-1, halka Spain ay rigoorayaal kaga soo gudbeen Switzerland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here