Capello oo uga digay Talyaaniga qaab ciyaareedka Spain kahor kulanka ay ku wada ciyaari doonaan Semi-finalka koobka Euro 2020

0
44

Baladweyne (Radio Beerlula)- Halyeeyga reer Talyaani ee Fabio Capello ayaa digniin adag u diray xiddigaha xulka qaranka Italy ka hor inta aysan ku wajihin Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020, dhigooda Spain.

Xulka Italy ayaa gaaray semi-finalka Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020 kaddib markii ay ku garaaceen dhigooda Belgium wareega Siddeeda 2-1, halka Spain ay rigoorayaal kaga soo gudbeen xulka Switzerland.

Haddaba sida uu daabacay wargeyska “Marca” ee dalka Spain Fabio Capello ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu digniin adag u diray xiddigaha xulka qaranka Italy, wuxuuna yiri:

“Spain waxay ciyaareysaa kubad gaabis ah, haddii aan raacno laxankaas, waxaan wajaheynaa dhibaato, Spain waxay leedahay awood farsamo oo weyn iyo kubad haysasho weyn.”

“Si looga hortago arrintan, waxaan u baahanahay inaan deg degno marka ay timaado soo celinta kubadda, inaan soo laabano oo aan isla markiiba weerar qaadno, waxaan heysanaa tayo, daafaca Spain xaqiiqdii ma ahan difaac aan la loodin Karin.”

Yeelkeeda, Fabio Capello ayaa ammaanay shaqada uu ka qabtay Roberto Mancini xulka Azzurri, wuxuuna yiri:

“Xulka qaranka Talyaanigu wuxuu sameynayaa kubad aad u dheereysa oo tayo wanaagsan leh.”

“Qof walba wuu ordayaa, qof walba wuu caawiyaa, waxay leeyihiin hanaan xeeladeysan oo wanaagsan, waana nasiib darro in Leonardo Spinazzola uusan awoodin inuu ka qeyb galo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here