Rio Ferdinand oo kashifay sir xiiso badan oo ku saabsan xiddiga Liverpool ee Thiago Alcântara

0
52

Baladweyne (Radio Beerlula)- Halyeeyga Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa kashifay sir xiiso badan oo ku saabsan xiddiga Liverpool Thiago Alcântara, kaasoo horey u soo xirtay maaliyadaha kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich.

Rio Ferdinand ayaa xaqiijiyay in Thiago sanadii 2013 uu doonayay inuu ku biiro kooxda Manchester United isagoo raadinayay inuu si joogta ah u ciyaaro, taasoo uu ka waayay Barcelona, laakiin maamulka kooxda reer England ayaan la dhacsaneyn arinta, taas oo ku kaliftay inuu ku biiro Bayern Munich.

Haddaba wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa daabacay wareysi uu bixiyay Halyeeyga Manchester United ee Rio Ferdinand, waxaana uu yiri:

“Waxaan la ciyaarnay Barcelona safar aan ku tagnay Mareykanka, Thiago wuxuu ahaa mid fantastik ah, wuxuu ka ciyaarayay No. 10-aad, wuxuuna dhaliyay gool caalami ah.”

“Waan garaneynay isaga, dhowr sano kaddib David Moyes ayaa ahaa tababaraha.”

Rio Ferdinand oo sii wata hadalkiisa ayaa wuxuu intaas ku daray:

“Lama sheekeysan Thiago Alcântara, mana aqoon isaga, laakiin David de Gea ayaa siiyay lambarkayga.”

“Wuu isoo wacay wuxuuna igu yiri ‘Rio, waxaan doonayaa inaan ku biiro Manchester United, ma jiraa qof aan la hadli karo, ama waad ii hadli kartaa si aan u arko xiisaha?.”

Rio Ferdinand ayaa tilmaamay inuu waqtigaas la xiriiray Ed Woodward, iyo sidoo kale tababare David Moyes, sidaas darteed jawaabta ay ka bixiyeen waxay ahayd in maamulka uu ku socdo wadadii uu ku dhameystiri lahaa laba heshiis oo ka baxsan Thiago, si loo xaqiijiyo inay ka soo horjeedaan keenista Thiago oo ugu dambeyntii ku biiray Bayern Munich.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here