Javier Tebas oo ka nixiyay taageerayaasha Barcelona kaddib markii uu ka hadlay mustaqbalka Lionel Messi

0
46

Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxweynaha horyaalka La Liga ee Javier Tebas ayaa ka nixiyay taageerayaasha Barcelona, kaddib markii uu ka hadlay arimo ku saabsan mustaqbalka Lionel Messi ee kooxda.

Qandaraaska Messi ee kooxda Barcelona ayaa dhacay dhamaadkii bishii June ee la soo dhaafay, Leo ayaan wali cusbooneysiinin qandaraaskiisa Blugarana, taasoo ka dhigeysa inuu yahay ciyaaryahan xor ah oo koox walba ugu dhaqaaqi kara xagaagan heshiis xor ah.

Wargeyka “Sport” ayaa shaaciyay hadalada Madaxweynaha horyaalka La Liga ee Javier Tebas kaddib shir jaraa’id uu qabtay, isaga oo sheegay in Messi uusan awoodi doonin inuu sii joogo Barcelona xilli ciyaareedka cusub, haddii kooxdu aysan ku guuleysan inay ka takhalusto ciyaartoyda aan loo baahnayn.

Haddaba Javier Tebas oo ka jawaabayay su’aal ka qeyb qaadashada Messi ee Barcelona ee xilli ciyaareedka cusub, ayaa wuxuu yiri:

“Ma garanayo, haddii aysan jirin wax ka baxa Barcelona, macquul ma ahan in Messi uu sii joogo.”

Kooxda Barcelona ayaa ka shaqaynaysa sidii ay uga bixi lahayd dhibaatada dhaqaale ee uu Joan Laporta ka dhaxlay maamulkii hore ee uu madaxda ka ahaa Josep Maria Bartomeu, sida ugu dhakhsaha badan si ay awood ugu yeelato inay Messi uga diiwaangeliso diiwaanka horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here