Kurt Zouma oo ku dhow inuu xagaagan isaga tago Kooxda Chelsea

0
42

Baladweyne (Radio Beerlula)- Kurt Zouma ayaa la soo warinayaa inuu ku dhow yahay inuu isaga tago kooxdiisa Chelsea xagaagan.

Daafaca kooxda Chelsea ee Kurt Zouma ayaa la filayaa inuu xagaagan isaga tago garoonka Stamford Bridge sida uu warinayo Warsidaha Telefoot.

Xiddiga reer France ayaa horay u diiday xiisaha uga imaanayey Wolves, laakiin kooxaha Everton, Tottenham iyo Roma ayaa wali xiiso u qaba 26-sano jirkaan.

Lama oga halka uu ku sii jeedo xiddiga booska joogtada ah ka la’ kooxda Chelsea ee Zouma kaasoo xilli ciyaareedkii  2018-19 amaah ku soo qaatay Toffees, isla markaana u soo ciyaaray 26 kulan tartammada oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here