Barcelona oo ku dhow inay qandaraas cusub ka saxiixato Messi, arrinta u fududeysay saxiixiisa iyo lacagta uu haatan khasaaro maalin walba

0
48

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wararka ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegaya inay Barcelona talaabo usii qaadday dhammeystirka heshiis cusbooneysiinta Lionel Messi.

Qandaraaskii Messi uu kala jiray Barca ayaa dhacay 30-ka bishii lasoo dhaafay ee June, illaa iyo haatanna ma jiraan wax rasmi ah oo la xiriira inuu sii joogi doono kooxdiisa isla markaasna uu heshiis cusub la galayo inkastoo Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta uu kusoo celceliyay inay wax walba si hagaagsan ku socdaan.

Wargeyska AS ee kasoo baxa dalka Spain ayaa sheegay inuu helay xog ku saabsan in kabtanka xulka Argentina uu ku jiro xiddigaha u diiwaan gashan maamulka La Liga sanad ciyaareedka soo aaddan ee 2021/22, iyadoo Blaugrana haatan damaanad qaad buuxa loo siiyay inay la saxiixan karaan Messi oo ay mushaharkiisa bixin karaan.

Sidoo kale, wargeyska ayaa intaas ku daray inay Barcelona maalmaha soo socda ku dhawaaqi doonta saxiixa La Pulga inkastoo ay sii wadi doonto xaraashka xiddigaha mushaharka badan ka qaatay balse aanan qorshaha ku jirin kuwaasoo la filayo in xagaagan albaabka loo tilmaamo.

Dhinaca kale, Lionel Messi ayaa haatan lumiyay 100 kun oo euro maalin kasta tan iyo markii uu dhacay qandaraaskiisii Barca, waxaana haatan qudhiisa uu doonayaa in laga heshiiyo qandaraaska cusub ee ay kooxdiisa ugu talo gashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here