Cristiano Ronaldo oo markii ugu horreysay ku guuleystay gooldhalinta tartanka EURO 2020… (Yaa hore ugu guuleystay abaal-marintan?)

0
47

Kaddib markii uu xalay soo dhammaaday tartankii EURO 2020, waxaa abaal-marinnadii la bixiyay ka mid ahaa xiddiga ugu goolasha badan tartanka oo uu ku guuleystay Cristiano Ronaldo.

Kabtanka xulka qaranka Portugal ayaa dhaliyay shan gool isagoo ciyaaray afar kulan, waxaana uu raacsaday gool uu ka caawiyay Diogo Jota kulankii ay guuldarrada kala kulmeen xulka Germany.

Si kastaba ha ahaatee, Ronaldo ayaa abaal-marintan ku garaacay xiddiga xulka qaranka Czech Republic ee Patrik Schick oo ay min shan gool ku dhammeysteen tartanka, hase ahaatee, laacibka Juventus ayaa abaal-marinta Alipay Top Scorer ee gool-dhalinta Euro ku qaaday goolka uu caawiyay, iyadoo dhinaca kalena ay xusid mudan tahay inuu ciyaaray daqiiqado ka yar inta uu ciyaaray Schick.

Haddaba halkan hoose ka eeg xiddigihii horay ugu guuleystay gooldhalinta tartanka qarammada qaaradda Yurub

2016: Antoine Griezmann (France) 6

2012: Fernando Torres (Spain) 3

2008: David Villa (Spain) 4

2004: Milan Baroš (Czech Republic) 5

2000: Patrick Kluivert (Netherlands), Savo Milošević (Yugoslavia) 5

1996: Alan Shearer (England) 5

1992: Dennis Bergkamp (Netherlands), Thomas Brolin (Sweden), Henrik Larsen (Denmark), Karl-Heinz Riedle (Germany) 3

1988: Marco van Basten (Netherlands) 5

1984: Michel Platini (France) 9

1980: Klaus Allofs (West Germany) 3

1976: Dieter Müller (West Germany) 4

1972: Gerd Müller (West Germany) 4

1968: Dragan Džajić (Yugoslavia) 2

1964: Ferenc Bene (Hungary), Dezső Novák (Hungary), Jesús María Pereda (Spain) 2

1960: Milan Galić (Yugoslavia), François Heutte (France), Valentin Ivanov (Soviet Union), Dražan Jerković (Yugoslavia), Viktor Ponedelnik (Soviet Union) 2

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here