Pedri oo ku guuleystay da’yarka ugu wanaagsan tartanka EURO 2020.

0
39

Baladweyne (Radio Beerlula)– Xiddiga khadka dhexe kaga ciyaara xulka qaranka Spain ee Pedri ayaa loo doortay da’yarkii ugu wanaagsanaa tartanka EURO 2020 oo xalay lasoo gaba-gabeeyay.

18-jirkan kubbada abuuraya ayaa xulka La Roja u ciyaaray 629 daqiiqo, waxaana uu garoonka ka maqnaa kaliya hal daqiiqo inta uu socday tartanka, baasaskiisa cajiibka ah ee dhammeystiran 92.3% ayaa ka dhigay da’yarka ugu wanaagsan tartanka qarammada Yurub sanadkan.

Abaal-marintan waxaa la bilaabay sanadkii 2016, waxaana la guddoonsiiyaa xiddiga ugu bandhigga wanaagsan xiddigaha ay da’doodu ka hooseyso 21 sano marka uu bilaabanayo sanadka tartanka la qabanayo .

Waxaa xiddigii ugu horreeyay ee abaal-marintan qaaday uu ahaa Renato Sanches oo ka tirsan xulka Portugal sanadkii 2016.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here