Manchester City oo ku wargelisay Barcelona go’aanka kaga aaddan saxiixa Antoine Griezmann

0
43

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Manchester oo si aad ah u dooneysa inay lasoo  saxiixato weeraryahan cusub ayaa muddooyinkii dambe lala xiriirinayay laacibka naadiga Barcelona ee Antoine Griezmann.

Wararka ka imaanaya dalka Ingiriiska ayaa sheegaya inay Man City ogeysiisay Barca inaysan xiiseyneyn saxiixa Griezmann, kaasoo ka mid ah xiddigaha ku jira diiwaanka xaraashka Blaugrana ee suuqa xagaagan.

Si kastaba ha ahaatee, haddii ay Barcelona heshiiska u cusbooneysiiso Lionel Messi, sidoo kalena ay diiwaankeeda ku biiraan Sergio Aguero iyo Memphis Depay, waxay kooxda reer Spain diiradda saareysaa iibin weeraryahanka Faransiiska ah si uu boos ugu banneeyo miisaaniyadda mushaharaadka ee saxiixyada cusub iyo Messi.

Waxaa dhowaan la ogaaday inay Barca u bandhigtay Man City saxiixa Griezmann, balse wargeyska Manchester Evening News ayaa haatan daabacay inaysan kooxda Ingiriiska ka dhisan dooneyn saxiixa 30-jirkan baddelkiisana ay diiradda saarayaan saxiixa Harry Kane iyo Erling Haaland oo aysan u sahlaneyn saxiixiisa.

Dhinaca kale, maadaama ay Sky Blue iska diidday saxiixa xiddiga Barcelona weerarka uga ciyaara, waxaa sidoo kale lala xiriirinayaa inuu ku laabto kooxdiisii hore ee Atletico Madrid ama inuu hayaamo naadiga Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here