RASMI: Rodrigo De Paul oo ku biiray naadiga Atletico Madrid

0
44

Baladweyne (Radio Beerlula)-Naadiga Atletico Madrid ayaa ugu dambeyn si rasmi ah ugu dhawaaqday dhammeystirka saxiixa xiddiga khadka dhexe ka ciyaara ee Rodrigo De Paul.

Kooxda uu hoggaamiyo Macallin Diego Simeone ayaa si rasmi ah u shaacisay inay De Paul kala soo saxiixatay naadiga Udinese, waxaana uu qalinka ku duugayn heshiis shan sano ah oo uu kaga ciyaari doono garoonka Wanda Metropolitano kaddib markii uu ka gudbay tijaabadii caafimaadka ee uu ku maray magaalada Buenos Aires ee caasimadda u ah dalka Argentina.

27-sano jirkan ayaa xilli ciyaareedkii hore bandhig il qabad leh ka sameeyay horyaalka Serie A ee dalka Taliyaaniga isagoo dhaliyay sagaal gool, raacsadayna 10 caawin, waxaana uu sidoo kale qaab ciyaareedkiisa uu sii joogteeyay tartankii Copa America ee 2021 kaasoo uu kula guuleystay xulkiisa Argentina.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiska labada naadi iyo ciyaaryahanka ayaa la dhammeystiray goor hore, se Atletico ayaa u xayirneyd inuu xiddigan maro tijaabada caafimaadka marka uu tartanka xulalka Koonfur Ameerika dhammaado, haatanna waa laacib ka tirsan naadiga difaacaneysa horyaalka La Liga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here